
About US
Shaash Magazine waa wargeys ka faallooda arimaha quruxda, is-qurxinta iyo labiska hablaha Soomaaliyeed.
Hablaha Soomaaliyeed
Hablaha Soomaaliyeed waxaa ay kamid yihiin Haweenka ugu qurxda badan Afrika; labis iyo muuqaal ahaana waa kuwa aad isku daryeela. Waa ay qiimeeyaan quruxdooda, oo waqti iyo qarash ayay galiyaan nafahooda. Waxaa ay aad u isticmaalaan kareemada iyo walxaha kale ee la isku qurxiyo.


Xarrago jaceylka ayaa sidaas oo kale ku badan haweenka Soomaaliyeed, dhar xayaysiiyayaal in ay noqdaan bey qaar badan jecelyihiin. Hal abuurka kama marna, oo waa farshaxamiistayaal ku fiican naqshadaynta, cilaan saarka iyo makeupska.
Inaga oo taasi ka duulayna ayaa abuurnay wargeyska “Shaash” oo noqonaaya kii ugu horreeye ee arimaha quruxda iyo labiska hablaha Soomaaliyeed ka hadla, soona gudbiya Talooyin iyo warbixino la xarriira daryeelka maqaarka, Quruxda wajiga, Nuucyada makeup ka iyo labiska.
Qeybaha Shaash Magazine
Waxa aanu leenahay qeybo aan xoogga ku saarno is-qurxinta, labiska arooska iyo dukaamaysi.
Alalaas waxaa lagu faaqidaa arimaha Arooska iyo arooosadda, waxanaa lagu baahiyaa sawiro, qoraala iyo muuqaalo la xarriira labiska arooska, qurxinta aroosadda iyo Goobta arooska.
Naashnaash waa qeyb loogu talagalay barashada Makeupka iyo agabyadiisa. Muuqaalada gabdhaha Somali makeup artist ayaa lagu baahiyaa.
Shaash Issue
waa qeyb magazine bille ah. Waxaa lagu daabacaa qoraalo, sawiro iyo sheekooyin leh Ciwaano markaasi xulan. Waxaa lagu cusuumaa hadba gabar kamida kuwa magaca ku leh arimaha quruxda iyo labiska.


Shaash Shop waa qeyb lagu iibiyo agabyada Is-qurxinta iyo labiska. Quburada ku shaqada leh Labiska iyo Quruxda ayaa inta badan soo Xusha agabyadaan Iibino.

Shaash
wargeys ka faallooda arimaha quruxda, is-qurxinta iyo labiska hablaha Soomaaliyeed.