About Shaash Magazine
Hablaha Soomaaliyeed waxaa ay kamid yihiin Haweenka ugu qurxda badan Afrika; labis iyo muuqaal ahaana waa kuwa aad isku daryeela. Waa ay qiimeeyaan quruxdooda, oo waqti iyo qarash ayay galiyaan nafahooda. Waxaa ay aad u isticmaalaan kareemada iyo walxaha kale ee la isku qurxiyo. Muddooyinkii dambe waxaa soo batay isticmaalka Makeup-ka iyo dawooyinka kiimikada leh ee dhaawacyada gaarsiin Kara maqaarka. Haween badan ayaa dhibane u noqday qurux raadinta, waxaa ayna lumiyeen dheehooda.


Haweenka Soomaaliyeed
Xarrago jaceylka ayaa sidaas oo kale ku badan haweenka Soomaaliyeed, dhar xayaysiiyayaal in ay noqdaan bey qaar badan jecelyihiin. Hal abuurka kama marna, oo waa farshaxamiistayaal ku fiican naqshadaynta, cilaan saarka iyo makeupska.
Inaga oo taasi ka duulayna ayaa waxaan is weydiinay sidee lagu heli karaa warbaahin ka faalloota sheekooyinkaasi la xariira Quruxda, is qurxinta iyo labiska hablaha Soomaaliyeed.


Our Unique Approach
Crafting Compelling Narratives
Waxaan abuurnay wargeyska “Shaash” oo noqonaaya kii ugu horreeye ee arimahaasi ka hadla, soona gudbiya Talooyin iyo warbixino la xarriira daryeelka maqaarka, Quruxda wajiga, Nuucyada makeup ka iyo labiska.

Shaash
wargeys ka faallooda arimaha quruxda, is-qurxinta iyo labiska hablaha Soomaaliyeed.